Soomaaliya iyo Saboolnimada
May 4, 2024 2024-05-09 15:11Soomaaliya iyo Saboolnimada
Author: Dr. Maxamed Cali Faarax
Saboolnimada ama faqriga, waxaa lagu qeexaa: kariwaaga uu qofku tahli waayo inuu helo qadarka ugu yar ee waxyaabaha nolosha fududeeya. Waa xaalad uu qofku u egyahay mid naafo ah, sababta oo ah; qofku marka uu saboolka yahay ee maankiisa iyo muuqiisaba ku wada kulmaan xaalado la taaban karo iyo kuwo aan la taaban karin oo uu sababay nidaamka bulsho ama maamul ee uu qofku ku hoos noolyahay, waxa uu noqonayaa sidii qof naafo ah oo kale. Faqrigu waa sawir kale oo lagu garto kala-duwaanshaha bulsheed, sinnaan la’aanta iyo caddaalad darrada bulsho ka dhex jirta.
Inkastoo ay jiraan saboollo badan oo awooday inay u babac-dhigaan xaaladda adag, iyagoo Rabbigood ku kalsoon, dhanka toganna wax ka eegaya, noloshana marwalba kula dhaqma go’aan iyo rabitaan xooggan, ilaa uu markii dambe Ilaahay u nicmeeyey oo samirkoodii sed roon kaga abaaliyey, dhanka kale; waxaa jira dad badan oo isu dhiibay duruufta adag ee saboolnimada iyo nolosha kakan ee faqriga ah, mareegtii ay qoolka madaxa u geliyeenna aan isku deyin inay ka furtaan oo ay rabitaankooda u hawlgalaan.
Soomaaliya dal ahaan waa dal ay buuxdo khayraad aan la koobi karin, waxay haysataan xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, waxay leedahay dhul-beereed ku filan in laga soo saaro dalagga ay Soomaalidu u baahantahay iyo dheeriba, waxaa kaloo Alle ku galladay xoolo fara-badan oo isugu jira: Geel, Ari, iyo Lo’ba. Laakiin Saboolnimada Soomaaliya waxaa sababay xasilloonidarrada siyaasadeed, dagaallada sokeeye, iyo dawladnimadii oo ilaa iyo hadda aan saldhigan, taasoo keentay in 80% muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku nool yihiin ama ka hooseeyaan marxaladda saboolnimada.
Khubaro badan oo Soomaaliyeed ayaa sheegay in saboolnimada ay keento laba arrimood:
1. Sinnaansho la’aan dhinaca khayraadka iyo awoodaha (Inequality of resource and power), iyadoo laysku raacay inay dad kooban ka faa’idaysteen khayraadkii, awooddii iyo dhaqaalihii; arrintaasina waxay keentay in dadkii tujaarta ahaa ay sii taajiraan, halka dadkii saboolka ahaana ay hoos usii socdaan.
2. Musuqmaasuqa (corruption) oo ay ku sheegeen in uu fududeeyey hannaanka maamul iyo sharci ee dawladda oo daciif ah; taasoo keentay in dadka awoodda haya iyo inta galaangalka u leh ay ka faa’idaystaan khayraadka dhaqaale ee dalka.
Jaamacadda Stanford ee Maraykanka ayaa cilmi-baaris ay samaysay ku caddaysay, in faqrigu uu beddelo habka ama hannaanka ay maskaxdu u samaysanto ama u korto. Daraasad kale oo nin Talyaani ahi uu sameeyey ayaa iyana sheegtay, in cadaadisyada nololeed ee ilmaha yar ee faqiirka ah muddo dheer u maraa, inay saamayn xun ku keento maskaxda ilmaha yar, laakiin waxay daraasadu sii raacisay in xoogaa laga badbaadi karo saamaynta xun, haddii ilmaha yar laga saaro ama laga kaxeeyo deegaanka noloshiisu ay xun tahay bulsho ahaan, mooraal ahaan, dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaanba, lana geeyo deegaan caafimaad ahaan, dareen ahaan iyo nolol ahaanba ka fiican.
Soojeedinihii kasoo baxay shirkii 12aad ee ay isugu yimaadeen ururrada Cilmi-nafisaga adduunka ee la yiraahdo “World Psychiatric Association” ee ka dhacay dalka Japan, ayaa waxa ay daaha kaga qaadeen in faqrigu uu yahay sababta ugu badan ee qarniga 21aad keenta xannuunada nafsiga ah. Waxa aanay caddeeyeen saamigalka qumman ee ka dhexeeya faqriga iyo xannuunada nafsiga ah, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin: warwarka, walbahaarka, waallida, waleecaadka, waswaaska, niyad-jabka, iyo qabatinka balwadda. Sidoo kale; waxa uu ilmuhuu halabsanayaa habdhaqannada jidadka ee dib-jirnimada, barashada hadallada anshaxa daran, iyo in isaga oo tacaddiyo galmadeed iyo gefef nafsadeedba loo gaysto.
Haddaba; waxaa daraasaadkaas kala duwan ka muuqanaya inay saboolnimada ka dhashaan dhaqammo badan oo saamayn taban ku yeesha bulshada saboolnimada la nool yaryar iyo waaweynba, waxaadna dheehan kartaa oo tusaale nool kuu noqonaya bulshada Soomaaliyeed dhaqammada gurracan ee ku baahay.
Allow faqri iyo saboolnimo ayaan kaa magan galnay,
N.B: maqaalka qaybo ka mid ah waxaan kasoo xigtay buugga lagu magacaabo: Jiraalkay Dr. Waliid Fatiixi, Tarjume: Khaalid Ciise X. Nuur